Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, soona qabtay xilal wasiirnimo iyo xildhibaan Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa oo uu ka soo jeedo kadib uu dhowaan shaaciyay inuu ka tanaasulay mowqifkiisii Soomaaliweyn oo taageersan yahay gooni isu taagga Somaliland.
Si diiran ayaa loogu soo dhoweeeyay Hargeysa waxaana dadkii soo dhoweeyay ka mid ahaa siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo ay ehel yihiin oo kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Haregeysa.
Ismaacill Buubaa oo si kooban ula hadlay dadkii soo dhoweyntiisa ka qeyb galay ayaa mahadcelin u jeediyay wuxuuna sheegay inuu horumar iyo guul u  rajeynayo Xukuumadda Somaliland, isaguna uu gacan ka geysan doono.
DAAWO SAWIRADDA SOO DHOWEYNTA BUUBAA:
[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=MkBX1oBeK-g”]
[ad name=”HTML-7″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]