Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in taliye ka tirsan ciidamada Booliska lagu dilay iska hor imaad ka dhacay degaanka Xudun.
Dabley hubeysan iyo ciidamada Booliska ayaa dagaal ku dhex maray degaanka Xuddun, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo lagu dilay Taliyihii Ciidamada Booliska ee degmada Xuddun Cismaan Cagaweyne.
Wararka aya asheegaya in iska hor imaadka hubeysan ee labada dhinac dhex maray ay sidoo kale ku dhaawacmeen 6 ka mida ciidamada Booliska Somaliland.
Kooxda Dableyda ee la dagaallantay ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay ka ganacsanayeen mukhaadaraadka.
