Isbitaalka Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliand ayaa shaaciyay natiijada baaritaan ay ku sameeyeen Meydka Marxuum C/naasir Muuse Dahable oo shalay laga dejiyay Hargeysa, kadib markii lagu dilay magaalada Muqdisho oo uu deganaa.
Maamulka isbitaalka guud ee Hargeysa ayaa sheegay in marxuum C/naasir lagu dilay Ceeji, loona adeegsaday xarig, ayna ku yaalleen nabarro waaweyn oo muujinaya inuu dagaalamay dilkiisa ka hor.
“Marka koowaad Cabdinaasir waxaa loo gaystay in lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu ay wayn tahay, kaas oo calaamadaha noo muuqda uu yahay ugu yaraan in xarigaas qoortiisa lagu hayay muddo 5 daqiiqo ah illaa 7 daqiiqo inta u dhexeyso” ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Hargeysa.
Wuxuu intaas ku daray inta aan marxuumka la dilin ka hor in loo geystay jirdil xoog leh, sida ka muuqday jirkiisa, ayna ku ogaadeen baaritaanka ay ku sameeyeen. “Waxa nooga muuqday marxuum Cabdinaasir oo baaritaanka nooga soo baxay in Daanka midig uu jaban yahay jug wayna ay gaartay waxaa kale oo ay jug ka gaartay xiniinta bidix barar fara badana uu ku leeyahay qaraxna ay leedahay” ayuu sii raaciyay.
Natiijada ay shaacisay Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka loo gaystay dhibaato kale oo weyn, isla markaana lagula kacay jariimo ah in saddexdii cishe ee ugu dambeysay Dabka laga jaray Talaagadii (Qaboojihii) uu ku jiray maydka, taasoo keenay inuu jirku isbedelo oo bararro.
Arrinta la yaabka leh ee agaasimaha isbitaalka Hargeysa sheegay ayaa ah in Talaagadii maydka ee Cabdinaasir ku hiray, dabka laga jaray saddexdii cishe ee ugu dambeysay, taasoo aan caddeyn sida uu ku ogaan karo.
Wuxuu qiray inuu Meydkaisbedalay, isla markaana uu yeeshay dibiro badan, jirkiisuna uu aad isku beddelay, taasoo shaki gelin karta natiijada baaritaanka ay sheegeen inay soo saareen, sida looga ogaan karo Meyd is bedelay.
Hay’adaha Amniga iyo Garsoorka dowladda Soomaaliya ayaan weli wax War ah kasoo saarin baaritaanka kiiska Marxuum C/naasir Dahable, iyadoo Boolisku hore u sheegay in loo xiray ilaa 9 qof.