Saturday, January 25, 2025

Isbedel lagu sameeyay Xilliga la furayo Iskuullada Waxbarashada Dugsiyada Dalka

Wasaaradda Waxbarashada ayaa wax ka bedeshay xilliga la fulayo Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee dalka, iyadoo sidoo kale la kordhiyay maalmaha waxbarashada.

Qoraal kasoo baxay Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay, iyadoo la fulinayo amarka Wasaaradda in wax ka badel lagu sameeyey sannad dugsiyeedka 2023-2024, iyadoo Sannad dugsiyeedkan 2023/2024 ay Iskuulada furmi doonaan 2-da Sebtembar, ayna xirmi doona 6da Juun, 2024.

Dhinaca kale waxaa kordhiyey maalmaha waxbarashda Dugsiyada, waxayna casharadu socon doonaan 6 maalmood (Sabti ilaa Khamiis), isbuuc kasta si loo dhamaystiro Manhajka.

Ad

Dugisyada Muqdisho ayaa furmi lahaa Sabtida 29-ka bishan July, taasoo ka dhigan in muddo bil ah dib loo dhigay.

WARGELIN

UJEEDDO: WARGELIN LA XIRIIRTA WAX KA BEDDELKA SANNAD DUGSIYEEDKA 2023-2024

- Advertisement -

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, oo fulinaya warqadda summadeedu tahay WWH&TS/XW/114/07/2023 ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, gudanayana waajibaadkiisa, waxa uu ku wargelinayaa maamullada dugsiyada iyo hay’adaha waxbarashada Gobolka Banaadir in wax ka beddel lagu sameeyay sannad dugsiyeedkan 2023-2024.

Sannad dugsiyeedkan ayaa furmi doona 2da Sebtembar 2023, waxa uuna xirmi doona 6da Juun, 2024.

Sidoo kale waxaa kale oo la kordhiyey maalmaha dhigashada casharada oo laga dhigay 6 maalmood (Sabti ilaa Khamiis) ee asbuuca si loo dhamaystiro Manhajka.

Haddaba, Agaasinku wuxuu ku wargelinayaa dhamaan maamullada dugsiyada, macallimiinta, waalidiinta, ardayda iyo bulshada Gobolka Banaadir inay dhaqan-geliyaan wax ka beddelka lagu sameeyey jadwalka Waxbarashada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON