Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay yeelatay Ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, arrintan oo ka danbeysay Balanqaadkii ololaha Madaxweynaha Soomaaliya ee wax ka bedelka Dastuurka.
Wareego Galabta kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo la sheegay inuu tixgeliyay talada Madaxweynaha inuu sameeyay magacaabiddan soo socota:-
1- Wasiirkii Howlaha guud Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa loo magacaabay inuu noqdo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda, iyadoo laga qaadaya xilkii Wasaaradda.
2-Wasiirka Shaqada & arrimaha Bulshada waxaa loo magacaabay: Yuusuf Maxamed Aadan
3- Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha waxaa loo magacaabay: Maxamuud Axmed Aadan
4-Wasiiru dowlaha Cadaalada iyo Dastuurka: Ilyaas Shiikh Cumar Abubakar
5- Wasiiru dowlaha Batroolka iyo Macdanta: Ismaaciil Shire Jaamac
6- Wasiiru dowlada Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha: Maxamed Cusman Cumar
7- Wasiiru dowlaha Shaqada & Srrimaha Bulshada: Ceynaanshe Yusuf Xuseen
8- Wasiiru dowlaha Kaluumeysiga & Dhaqaalaha Buluuga ah: Maxamed Yuusuf Xasan
9- Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha: Maxamed Nuur Abubakar