Thursday, November 30, 2023

Is-rasaaseyn ka dhacday Magaalada Garowe oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in is-rasaaseyn ka dhacday magaalada ay dhalisay qasaare isugu jira dhimashi iyo dhaawac.

Arrintan ayaa timid iyadoo magaalada uu ka socday Bannaanbax lagu taageerayo Dootashada qof iyo cod, laguna soo dhoweynayay mid ka mida dadka baraha Bulshada ka taageera Madaxweynaha Puntalnd Siciid Deni.

isku dhaca ayaa yimid markii ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa degaanka Garowe ee ka horjeeda ay rasaas is weydaarsadeen, waxaana labada dhinac ay isku eedeeyeen inay rasaasta bilaabeen.

Ad

Qof haween ah ayaa ku geeriyootay is rasaaseynta ka dhacday Garowe, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale, iyadoo Barxadda magaalada oo rasaastu ka bilaabtay ay noqotay Goob dagaal.

Waxaa lasoo weriyey inuu madfac Hoobiye ah ku dhacday xarunta Madaxtooyada Puntland intii. ay socotay is-rasaaseynta ka dhacday magaalada, waxayna arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo la isku mari la’ yahay Doorashada Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON