Monday, February 10, 2025

Is-miidaamiye Waday Baabuur sida Qaraxyo oo la toogtay iyo Qasaaraha ka dhashay

Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay toogteen oo ay fashiliyeen Is-miidaamiye waday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Falkan ayaa ka dhacay duleedka tuulada Xuseen Cagey oo u dhow degmada Masagaway ee gobolka Galguduud, waxaana lasoo bandhigay haraagii Gaariga oo goob cidla ah ku qarxay, sida ay baahisay Warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qof ka tirsan maleeshiyaadkooda oo is-miidaamiye ahaa uu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo gaadiid watay, una geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Ad

Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha weerarka, iyadoo Alshabaab aysan sheegin wax faafhaahin ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON