Qof is-miidaamiye ah ayaa caawa fiidkii isku Qarxiyay Xeebta Liido oo dadweyne fara badan ay ku sugnaayeen, waxaana lasoo werinayaa qasaare xoog leh oo halkaasi ka dhacay.
Wararkii ugu danbeeya ayaa sheegaya in ku dhowaad tobaneeyo Qof ay ku dhinteen bannaanka Hotel Peach Veiw ee xeebta Liido oo dad badan ku caweynayeen Fiidka caawa oo Jimce ahayd, waxaana qaraxa kadib dhacay rasaas xoog leh.
Ciidamada Amniga ayaa xiray gooba qaraxu ka dhacay, waxaana la rakayay boqolaal dad ah oo isaga cararraya Xeebta Liido oo uu saameyn weyn ku yeeshay qaraxa.
Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijisay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerarka qeyb ka yihiin, kadiba qaraxa dhacay, waxaana socda howlgal iyo iska hor imaad u dhaxeeya dableyda iyo ciidamada dowladda.
Hay’adaha Amniga ayaan weli ka hadlin qaraxa iyo qasaaraha uu geystay, balse waxaa muuqaallo la helay ay muujiyeen meydad iyo dhaawacyo qaraa ka dhashay.