Sunday, January 26, 2025

Injineero Turki ah oo ka badbaaday Qarax ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho..

Qarax nooca miinada ah ee dhulka la geliyo ayaa maanta duhurtii ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca meelaha fog laga hago ayaa la sheegay in lala beegsaday Injineero Turki ah oo ay galbninayeen ciidamada dowladda, kuwaasoo dhisme ka wada wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxayna wararku sheegeen in qof shacab ah uu ku dhintay qaraxa, balse ay ka badbaadeen Injineeradii Turkiga ahaa.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay duleedka Koonfireed ee Magaalada Muqdisho ayaa wararka qaarkood sheegayaan inuu qasaare kasoo gaaray ciidamadii ilaalada u ahaa Injineerada oo ay ka dhinteen laba askari, iyadoo qaraxa kadib rasaas xoog leh ay fureen ciidamada amniga dowladda.

Ad

Alshabaab ayaa marar badan beegsaday Injineerada Turkiga, iyadoo weerarkii Ex. Kontrol lagu dilay laba Injineer oo Turki ahaa iyo Soomaali ka badan 100 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON