Friday, March 21, 2025

Ingiriiska oo taageero u ballanqaaday Dadka ku hanti beelay Dabkii Suuqa Hargeysa

Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska oo sheegay inuu aad uga naxay Qasaaraha uu geystay Dabka burburiyey Suuqa weyn ee Hargeysa

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay qasaaraha ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, kaasoo geystay qasaare ba’an oo hantiyeed.

Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatada ka dhalatay dabkii Hargeysa ka kacay ee burburka weyn gaystay.

Ad

“Waxaan aad uga xumahay inaan aragno dhibaatada ka dhalatay Dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg ka dhaliyey suuqa furan oo ahaa halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoysas” ayuu qoralkiia ku yiri Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska.

Wuxuu intaas ku daray in Suuqa uu dabku ka kacay uu ahaa halbowlaha dhaqaalaha magaalada, ayna saamaynta ugu badan dareemayaan dadka leh ganacsiyada yar yar. “Ingiriiskuna wuxuu ku dadaali doonaa sidii aanu u taageeri lahayn dedaalka dib-u-dhiska” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Boris Johnson.

Sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal soo saartay kusheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

- Advertisement -

Liz Truss waxay shaacisay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaaray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON