Monday, November 11, 2024

Ingiriiska oo jebiyey Go’aan uu hore u qaatay iyo safiirada cusub ee UK oo Aqoonsigeeda u gudbisay Farmaajo

Safiirada cusub ee Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya Kate Foster ayaa maanta waraaqaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Danjire Kate Foster ayey Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay inay Farmaajo soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.

Dowladda Ingiriiska ayaa sidan ku jebisay go’aankeedii hore ee sanadkii 2016 markii safiirkii xilligaasi UK soo magacawday ee David Concar uu muddo dheer sugayey doorashada madaxweynaha cusub, isagoo aan waraaqihisa aqoonsiga u gudbin madaxweynaha waqtigiiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad

AKHRISO WARARKA LA XIRIIRA

Safiir diiday inuu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaqadiisa iska wata

Safiir muddo ka howlgalayay Muqdisho oo waraaqihiisa u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo [Sawirro]

May be an image of 1 person and standing
May be an image of 1 person, standing and indoor
May be an image of one or more people and indoor
May be an image of one or more people, people sitting, suit and indoor
May be an image of one or more people, people sitting and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON