Tuesday, September 10, 2024

Ingiriiska oo Golaha Amniga Q/Midoobay isugu yeeray Kulan degdega oo ku saabsan Xaaladda Somalia

Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa kulan degdeg ah ka yeelanaya qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, kadib markii ay muddo xileedkii sharciga ahaa ka dhamaaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo aan doorasho dhicin.

Kulanka Golaha Amniga ayaa dhici doona maanta oo Talaado ah, waxaana isugu yeeray Ingiriiska oo bishan ah guddoomiyaha Golaha Amniga, si looga hadlo xaaladda ay wajaheyso Soomaaiya, kadib markii musharixiinta Mucaaradka ay shaaciyeen inaysan madaxweyne u aqoonsaneyn Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa wajahaya xiisad hoggaamineed, isagoo ku guuleysan waayey inuu dalka ku hago Doorasho xilli ay dhammaaday afartii sano ee sharciga ahayd, waxaan socda dadaal ay Q/Midoobay hoggaamineyso oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka ka taagan Doorashada.

Ad

Afhayeenka Q/Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay inay weli jirto fursad ay madaxda Soomaalida ku heshiin karaan si ay usii socoto dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha Amniga Q/Midoobay ayaa lagu wadaa inuu sanad kale cusbooneysiiyo joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo waqtigu ka dhacayo 28 Febraayo 2021.

Farmaajo iyo madaxda dowlad Goboleedyada ayaa ku kala tegay shirkii wadatashiga ee xal u helidda khilaadka Doorashada magaalada Dhuusamareeb.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON