Wednesday, November 13, 2024

In ka badan 100 Qof oo ku dhintay Qaraxyadii magaalada Beyrut & waxyaabihii dhaliyey oo la ogaaday

Wararkii ugu danbeeyay qaraxyadii is xigay ee ka dhacay xalay Dekadda Magaalada Beyrut ayaa sheegaya in dadka ku dhintay ay gaareen in ka badan 100 qof, iyadoo dhaawacyada ay sare u dhaafeen 4000 ruux oo kale.

Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee Lebanon ayaa weli ku jira raadinta dad ka badbaaday burburka dhismayaasha uu burburiyey qarax aan hore loo arag oo ka dhashay maadada kiimikada ammonium nitrate oo dhan 2750 tan, taasoo muddo sanado ah lagu keydiyay Bakhaarada Dekadda.

“Ugu yaraan 100 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa. Waxaan weli baareynaa burburka, waxaa jiri kara dhibanayaal kale, waxaanse rajeynaa inaysan jirin,” waxaa sidaas yiri madaxa Laanqeynta Cas ee Lebanon George Kettani.

Ad

Qaraxa ayaa ahaa kii ugu xoogga badnaa ee abid ka dhaca Beirut, oo ah magaalo ay burburiyeen dagaallo sokeeye 30 sano ka hor, islamarkaana dhowaanahan la tiiceysay burbur dhaqaale oo ka dhashay cudurka Coronavirus.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON