Friday, March 28, 2025

In ka badan 10 Mas’uul oo 3 Bilood gudahood Qaraxyo Nooc cusub ah lagula beegsaday Muqdisho (Warbixin)

Iyadoo xaaladda Amniga caasimadda Muqdisho ay sii xumaatay muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa si aan hore loo arag u kordhay Miinooyinka la dhigo wadooyinka ee lala beegsanayo Mas’uuliyiinta, saraakiisha dowlada iyo shaqsiyaad gaara.

Dhammaan Qaraxyada Miinada ee Muqdisho ka dhacay waxay ahayeen kuwo ka xoog badan kuwii hore, isla markaana si toos ay qabsaday bart-tilmaameedyadii loogu talogalay, inkastoo qasaaraha dhimashadu yaraan, haddan mas’uuliyiinta la beegsaday waxay intooda badan ku badbaadeen si dirqi ah, halka qaar kalena ku dhaawacmeen.

Waxaan halkan kusoo koobeynaa Qaraxyadii Miinada ee lagu beegsaday mas’uuliyiin kala duwan intii u dhaxeysay Novembar 2020 ilaa Janaayo 2020, iyadoo aan ka bilaabi doono hal qarax oo dhacay Oktoobar 2020.

Ad

20 Oktoobar 2020: Waxaa Qarax miino ka badbaaday Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aaden Koofi, iyadoo lala beegaday Gaari uu la socday meel u dhow Isgoyska KM 4, isagoo markaas ka baxay Hotelk Afrik, agaasime Koofi ayaa ka badbaaday Qaraxa. (Warkan)

5 Novembar 2020: Waxaa iska Isgoyska KM 4 lagu qarxiyey Gaariga Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Durraan Axmed Faarax, wasiirka ayaa ka badbaadiyay laakiin ilaaladiisa ayaa qasaare kasoo gaaray. (Akhriso)

7 Novembar 2020: Waxaa Qarax miino oo loo dhigay ka badbaaday Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mida Senatoorada Aqalka sare ee Baarlamaanka.

- Advertisement -

12 Novembar 2020: Waxaa Wadadda 21 Oktoobar lagu qarxiyey Guddoomiyihii Degmada Hododon C/xakiin oo ku dhaawacmay qaraxa, kadibna xaalad caafimaad u aaday Turkiga isgaooo markii uu Muqdsho kusoo laabtay ay toogasho ku dlee cidamada dowladda. (Halkan ka akhriso)

28 November 2020: Waxaa Qarax miino lala beegsaday Agaasimaha Dekadda Muqdisho Axmed Washington xilli uu gaarigiisa mareyay agagaarka Isgoyska Mariinada, balse waa ka badbaaday, waxaana qasaare soo gaaray ilaaladiisa.

7 Janaayo 2021: Qarax Miino ayaa magaalada Muqdisho lagula beegsaday Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaalyeed Mahad Cabdiraxmaan. Qaraxa oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM 4, waxaa ku dhintay ilaalada Taliyaha, iyadoo uu ka badbaaday Taliyaha.

20 Janaayo 2021: Waxaa Qarax Miino loo dhigay Gaariga Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Maxamed C/llaahi Cariif oo ka badbaaday qaraxa.

- Advertisement -

23 Janaayo 2021: Nabadoon iyo xildhibaan hore Muxyadiin Xasan Aafrax iyo xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddaan ayaa Gaariay wateen Miino lagu qarxiyey Jidka Beyxaani dhinaca degmada Kaaraan, waxaana ku dhintay ilaaladoodii, iyadoo uu ku dhaawacmay Xuseen Carraalle, waxayna ahayd markii labaad Qarax Miino lala beegsado Muxyadiin Xasan Afrax.

19 Janaayo 2021: Waxaa degaanka Garasbaaley ee Muqdisho Qarax Miino lagu qaaday Gaari ay wateen mas’uuliyiin ka tirsan degaankaasi, waxaana ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarrada degaakaasi C/rashiid Dubbad.

5 Janaayo 2020: Waxa Qarax miino lala beegaday Gaariga Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiq Dodishe oo xilligaasi aan la socon Gaariga qaraxa haleelay.

Alshabaab waxay mudaddaan dhexdeeda qaraxyo ka badan 4 oo isugu jira is-miidaamin iyo Miinooyin ku qaadeen shaqaalaha Turkiga iyo Soomaalida ee dhisaya Jidka Afgooye iyo Muqdisho .

Marka laga soo tago qaraxyada Miinada ee loo dhigay mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka Alshabaab waxay Muqdisho ka fulisay qaraxyo is-miidaamin ah iyo kuwo khaarijin ah, waxaana sidoo kale si joogto ah Gobollada dalka uga dhacay qaraxyo kala duwan oo lagu beegsaday mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan sida Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug, Sh/Dhexe, Bay, Bakool Jubbooyinka iyo Gedo.

Qaraxyada waaweyn ee is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay xilligan waxaa ka mid ahaa:

27 Novembar 2020: Waxay Alshabaab Qarax is-miidaamin ah ka fulisay Baarka Jalaatada laga cuno ee (Gelato Divino) oo u dhow Garoonka Muqdisho, iyadoo dad badan ay ku dhinteen. (Faahfaahin)

31 Janaayo 2021: Alshabaab waxay weerar is-miidaamin iyo mid toos ah ku qaadeen Hotelka Afrik ee u dhow isgoyska KM 4, waxaana lagu dilay 10 qof oo uu ku jiro Jen. Maxamed Nur Galaal

Qaraxyada ka baxsan Muqdisho waxaa ugu waaweynaa:

18 Disembar 2020: Qarax is-miidaamin ah ahaa ka dhacay Garoonka C/llaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo xilli uu kusiis ocday Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ku dhinteen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Milatariga iyo Danab. (Akhriso)

17 Janaayo 2021: Waxaa qarax xoog leh lala beegsaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Sh/Hoose C/qaadir Nuur Siidi oo ka badbaaday qaraxa. (Halkan ka akhri)

7 Febraayo 2021: Taliyihii NISA iyo 10 askari oo la socday ayaa lagu dilay duleedka magaalada Dhuusamareeb, kadib miino xoog leh oo lagu qarxiyey.

Qaraxyada is-daba joogga. ahee ka dhacay goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Amniga, siiba agagaarka Isgoyska KM 4, waxay caddeyn u yihiin inuu sii xumaaday amnigii caasimadda Muqdisho, xilli aysan jirin isla xisaabtan oo lagu mashquulsan yahay loolan siyaasadeed iyo khilaaf hareeyay xaaladda kala guur ah.

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON