Wednesday, February 19, 2025

Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare oo bilowday iyo Gobolka Gedo oo ku sigtay inuu ka haro

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda Federaalka ayaa maanta ka bilowday Koonfurta iyo Bartamaha Somaaliya, iyadoo ay u fariisteen arday tiradooda gaareys 35,000 (Soddon iyo Shan kun).

Ardayda Imtixaanka u bilowday ayaa kala jooga Dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir ee caaimadda dalka. Puntland ayaa leh imtixaan gaar ah oo aan hayn kan dowladda Federaalku qaado.

Gobolka Gedo ayaa ku sigtay inuu ka haro imtixaanka dowladda ee Fasalka 12-aad sanadkan, waxaana arrintaasi la xaliyey saacadihii ugu danbeeyay, markii la bixiyey caqabado ka taagnaa kireynta diyaarad qaadi lahayd imtixaanka iyo arrimo kale.

Ad

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare 2021-2022, iyadoo ay wehliyeen wasiirka Waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka degaya ayaa kula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON