Friday, March 28, 2025

Imaaraadka oo si aan la fileyn u cambaareeyay Qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Falastin


Imaaraadka ayaa si lama filaan ah u cambaareeyay qorshaha Yuhuudda iyo Mareykanku wataan, iyadoo sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe.

Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay ingolahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin.

Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel.

Ad

Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano.

“Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON