Monday, February 17, 2025

Imaaraadka oo shaaciyey tirada saraakiisha looga dilay Weerarkii Xerada Jen. Gordon

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa War kasoo saartay saraakiisha looga dilay weerarkii shalay ka dhacay Xerada Milateriga Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho oo ah Saldhig ay Imaaraadka ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Imaaraadka Carabta ayaa lagu cambaareeyay weerarka, waxaana lagu sheegay in weerarkan lagu dilay saddex ka mida ciidamada saraakiisha Imaaraadka iyo sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dalka Baxrayn, laguna dhaawaacay laba kale, kuwaas oo ahaa macalimiin tababarayey ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya iska kaashan doonaan baaritaanka falka weerarka ah ee ka dhacay Muqdisho.

Ad

Weerarkii ka dhacay Xerada ciidamada ee General Goordan ee magaalada Muqdisho ayaan weli faahfaahin buuxda laga bixin, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan soo bandhigin sida wax u dhaceen iyo qasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay askarigii ka dambeeyey weerarka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi dhowr luqadood ah u diray Imaaraadka ayaa si adag uga hadlay weerarkan, wuxuuna ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris degdeg ah.

Sidoo kale wuxuu Isitaalka Digfeer ku booqday qaar ka mida saraakiisha u dhashay Imaaraadka Carabta ee ku dhaawacmay weerarka.

- Advertisement -

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday xeerada General Goordan ee magaalada Muqdisho ee lagu laayey saraakiisha Imaaraadka ayna ku dileen 17 sarkaal oo Ajanbi ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON