Sunday, April 27, 2025

Imaaraadka Imaaraadka oo Lacagtii loo fasaxay ugu deeqday Dowladda cusub ee Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gargaar degdeg ugu deeqday Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqday in lacag u dhiganta 9.5 Milyan oo Diollar la gaarsinayo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa amray in gargaar bini’aadantinimo oo deg degah oo dhan 35 milyan Dirham la gaarsiiyo Dowladda Soomaaliya, si loogu taageero dadaallada horumarineed ee ka socda dalkan walaalaha ah.

“Kaalmada degdega ah ee dowladda Imaaraadka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la xoojinayo xiriirka labada waddan ee walaalaha ah, waxaanay tallaabadani caddaynaysaa sida ay dawladda Imaaraadku doonayso inay u taageerto oo ay u taageerto walaalaha, iyo dedaalka ay ugu jirto horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee ay Soomaaliya la leedahay” ayaa lagu yiri war ay faafisay Wakaalda wararka Imaaraadka.

Ad

Ujeedka deeqdan ayaa ah daboolidda baahiyaha shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan ee horumarka, si loo wanaajiyo xaaladda nololeed ee dadka iyo sare u qaadida awoodda dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo isla maanta dowladda Soomaaliya ay fasaxday Lacag Imaaraadka laga xayiray sanadkii 2018, taasoo lagu wareejiyey safiirka dalkasi ee Soomaaliya, waxaana muuqata in qiime u dhigma isla lacagtii deeq looga dhigay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON