Monday, February 10, 2025

Imaaraadka Carabta oo Wafdi heer sare ah u soo dirtay Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh

Wafdi ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, kaasoo ka qeyb galaya xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.

Wafdiga dowladda Imaaraadka ayaa ah kii ugu heer sareeyay ee Muqdisho yimaada, muddooyinka, waxayna tani ka dambeysay markii uu soo hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo si weyn hoos ugu dhacay xilligii dowladii Maxamed Farmaajo.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON