Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gurmadka Abaaraha Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 9.6 Milyan oo Dollar oo ah qiimaha lacagtii dhowaan loo fasaxay ee sanadkii 2018 laga qabatay Garoonka Muqdisho.
Xaflad ka dhacday xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lacagtan waxaa la guddoonsiiyey xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Wasiirka Beyle ayaa sheegay inay safiirka Imaaraadka ay kala wareegeen lacag dhan 9.6 Milyan oo Dollar, ayna ku shubayaan Akoonka Dowladda , iyadoo loo adeegsan doono, hadbna wixii ay dowladda ugu talogasho.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Mohamed Hussein Roble oo ku sugnaa munaasabadda ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.
