Friday, March 28, 2025

Imaaraadka Carabta oo ciidamo Kumaandoos ah u tababaray dowladda Somaliya [SAWIRRO]

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar u soo xiray cutubyo kamid ah ciidanka xooga dalka

Soomaliyeed gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gacan ka geysatay tababarkooda.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Taliyayaasha ciidanka qalabka sida iyo xubno kamid ah golaha wasiirada. Taliyaha Ciidanka Xooga Gen. Maxamed Adan oo ka hadlay Xaflada ayaa sheegay in ciidankan ay waxbadan ku soo kordhin doonaan xooga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay kor u qaadi doonaan tayada ciidanka iyo weerarada ka dhanka ah kooxa argagixisada.

Ad

Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay uga go’antahay dhisida ciidanka xooga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo soo xiray munaasabada ayaa u hambalyeeyay ciidanka tababarka u xirmay isagoona kula dardaarmay iney dalkooda u shaqeeyaan. Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta isagoona sheegay iney leeyihiin hal cadow oo ka soo horjeeda dowladnimada iyo nabada.

Waa qeybtii labaad ee  ciidamo uu dalka Imaaraadka Carabta u tababaray dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRRO

Kumaandoos

Kumaandoos1

Kumaandoos2

- Advertisement -

Sonna

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON