Imaamka Beesha Mudullood ayaa ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Imaam Maxamed Yuusuf oo ka hadlayay kulan Qado ahaa oo uu gurigiisa ugu tegay Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa sheegay in xaaladda lagu jiro ee abaaraha iyo amaandarrada darteed loo baahan yahay xukuumad degdeg u howlgasha.
“Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa inay mooshin iyo qashin nagu keenine ay ansixiyaan xukuumadda oo ay aqabalaa, boqorkii dhulkaan ayaan ahay waa inay taladeyda yeelaan…..” ayuu yiri Imaamka oo Ra’iisal wasaaraha u rajeeyay in sidii hore kalsoonida loogu siiyay haddana aanay dhibaato kala kulmin ansixinta xukuumadda.
DHAGEYSO IMAAMKA
Goobjooge.com