Thursday, November 30, 2023

Ilhan Omar oo Qoraal ku saabsan Somaliya u dirtay Madaxweynaha Mareykanka (5 Su’aal oo ay weydiisay)

Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa Qoraal u dirtay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, iyadoo kala hadleysa arrin ku saabsan Soomaaliya, iyadoo weydiisay 5 su’aal oo ku saabsan qorshaha xayiraadda dhaqaale ee Somaliya saaran.

Ilhan waxay qoraalkeeda ku dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo cunaqabateyn la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012, waxayna maamulka Biden ku weydiisatay ujeedka siyaasadda cunaqabateynta ee ay iyo istiraatiijiyadda weyn ee laga leeyahay Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa April, 2010 soo saaray amar fulineed oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Ad

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Xayiraada ayaa isla markiiba dhaqan gashay. Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsiyaadka ama hay’adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabadda, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in lagusoo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON