Ilhaan Cumar ayaa mar kale xisbiga Dimoqraadiga u doortay inay u meteasho tartanka kursiga Koongareeska Mareykanka oo ay laba jer oo hore kusoo baxday.
Ilhaan iyo ilaa 3 musharax oo Soomaali ah ayaa kusoo baxay doorashadii horudhaca ahayd musharixiinta xisbiga Dimuqraadiga ah ee gobolka Minnesota, kaddib markii ay kasoo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartamayay, iyaga oo isku diyaarinaya doorashada ay kaga hortayaan Xisbiga Jamhuuriga.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska ee baarlamaanka Maraykanka ayaa codad kooban uga adkaatay Don Samuels oo kula tartamayay doorashada isreereebka ee xisbiga Dimuqraadiga. Ilhaan Cumar waxay heshay boqolkiiba 50.5 codadkii la dhiibtay halka Don Samuels uu helay 48.2.
Doorashadan ayaa aheyd mid si weyn loo hadal hayay isla markaana lagu tilmaami karo tii ugu adkeyd ee ay gasho Ilhaan Cumar, taasoo ka dhigan in Ilhaan Cumar ay xisbiga Dimuqraadiga uga qeybgeli doonta doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.
Ilhaan ayaa haatan ku fadhidaa kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay in guusha ay weyn u tahay dadka ku nool degmada ay matasho.
Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa. Zainab Mohamed ayaa iyana kusoo baxday doorashadii kurisga Aqalka sare ee Gobolka Minnesota, halka Samakaab Hussein uu iska ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka hoose ah.
