Saturday, April 19, 2025

Ilhaan Cumar oo Xiisad ka dhex abuurtay Dalalka India iyo Pakistan (Socdaalkeedii Kashmir)

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa Khamiistii booqasho naadir ah ku tagtay dalka Pakistan qayb ka mid ah gobolka lagu muransan yahay ee Himalaya Gobolka Kashmiir.

Ilhan ayaa sheegtay in Maraykanka ay waajibku tahay si weyn uga fiirsado ahmiyadna siiyo xaaladda Kashmir iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha ee India ka geysato, taasoo ay si weyn uga carootay India.

Gobolka Kashmiir oo ay ku badan yihiin Muslimiinta ayaa in muddo ah waxa ka taagnaa xiisadda u dhaxeysa dalalka deriska ah ee Hindiya iyo Pakistan oo ah dalak leh hubka Nukliyeerka, waxaana saddex dagaal ku dhex maray arrintan tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska sannadkii 1947-kii.

Ad

“Ma rumaysni in (Kashmir) laga hadlo ilaa xadka loo baahnaa Congress-ka iyo sidoo kale maamulka Mareykanka” ayey tiri Ilhan Omar, ka dib markii uu booqday xuduudda kala qaybisa dhulka lagu muransan yahay ee Pakistan iyo India.

Ilhan Cumar, oo ah Soomaali Mareykan ah oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden, waa muwaadinkii ugu horreeyay ee dhalasho Afrikaan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.

Horaantii bishan ayay su’aal galisay waxa ay ugu yeertay cagajiidka dowladda Mareykanka ee ku aadan inay dhaleeceyso xukuumadda Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ee dhanka xuquuqda aadanaha.

- Advertisement -

Dhowaan, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu isha ku hayo waxa uu ku tilmaamay xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee India oo ay geystaan ​​qaar ka mid ah saraakiisha dlkaasi, taasoo ahayd canaan naadir ah oo si toos ah Washington u eedeysay hab dhaqanka xuquuqda aadana ee India.

India ayaa muddo dheer loo jeedinayay eedeymo ku saabsan xadgudubyo dhanka xuquuqda ah oo ka dhacay qeybta ay xukunto ee Kashmir iyo Muslim naceybka dalkaasi ka jira, inkastoo ay beeniso.

“Arrinta Kashmir, waxaan dhageytay Guddiga arrimaha dibadda (Congress), si aan u eegno warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Omar, oo yimid Islamabad kula kulmay hoggaamiyeyaasha Pakistan.

Dowladda India ayaa si kulul u dhaleeceysay booqashada Ilhan Cumar ee dalka India. “Haddii siyaasiga nooca Ilhan oo kale ah ahi uu rabo inuu ku dhaqmo siyaasadda ciriiriga ah ee gudaha, taasi waa ganacsi,” ayuu yiri Arindam Bagchi, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee India.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON