Haweeneyda Soomaalida ee Ilhaam Cumar ayaa ku guuleystay kursiga golaha wakiilada ee Minnesota.
Ilhaan Cumar oo ah Somali-Mareykan muslim ah ayaa loo doortay xubin golaha wakiilada sharci dejinta ee Minnesota.
Guushii hordhaca ahayd ee Ilhaan Cumar ka gaartay doorashadii is  reebreebka ayaa keentay inay si fudud ugu guuleysato kursigan.
Ilhaan Cumar ayaa ku dhalatay Soomaaliya, waxayna muddo 4 sanadood ah ku qaadatay xeryaha qaxootiga dalka Kenya intii aysan u dhoofin dalka Mareykanka iyadoo 12 sano jir ah.
Musharixii la  tartami lahaa oo isna Soomaali ah, kana tirsanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka baxay tartanka doorashada.
Waa guul taariikhi ah oo dadka laga tirada badan yahay u soo hoyatay guusha Ilhaan Cumar, waxayna noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee Soomaali, muslim ah oo kursigan ku guuleysata.
Goobjooge.com