Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoog leh oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Dagaalka oo ka dhashay xubno ka mida maleeshiyada Macaawisleyada oo la xiray ayaa keenay inay maleeshiyadaasi weerar ku qaadaan Bar ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ku leeyihiin magaalada.
Waxaa dagaalka ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo maleeshiyada Macaawisleyda ay gubeen Gaari ay lahaayeen Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle.
Gaariga la gubay ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaar ka mida ilaalada Cali Guudlaawe, ayna ku dhaawacmeen qaar kale, waxaana xubnaha ku dhintay ka mida Ali Axmed Goodaad.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ka taaga xiisadda ka dhalatay dagaalka magaalada ku dhex maray maleeshiyada weerarka soo qaaday ciidamada maamulka Hirshabeelle oo waxyeelada ugu badan kasoo gaartay ilaalada Madaxweyne Guudlaawe.
