Sunday, January 26, 2025

Ilaalada Jeneraal Saadaq Joon oo lagu laayey Duleedka Dhuusamareeb iyo Ahlu suna oo..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal jid-gal ah oo maleeshiyada Ahlu-suna xalay ku qaaday Gaadiid ay la socdeen ciidamada madaxtooyada Galmudug.

Weerarka oo ka dhacay degaanka Balli-birre waxaa qasaare xoog leh kasoo gaaray ciidamada Galmudug, waxaana la gubay gaari ay wateen ilaalada Jeneraal Saadaq Joon oo ka mid ahaa ciidamada la wareeray.

Maleeshiyada Ahlu suna ayaa gubay Gaari ciidan, waxayna ku dileen ugu yaraan 6 askari, galka afar kale ay dhaawaceen, waxaana la sheegay inay hore u qaateen qorigii ku xirnaa Gaariga iyo Hub isugu jira Qoryaha BKM iyo kuwa fudud.

Ad

Ciidamada Galmudug oo gurmad ku tegay goobta weerarka ka dhacay ayaa halkaasi kasoo qaaday meydadka askarta la dilay iyo dhaawacyada oo uu ku jiray Taliye lagu magacaabo Muumin Ciise oo watay ciidamada la weerarray.

10-ka askari ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday weerarkan ayaa ah ilaalada Jeneraal Saadaq Joon oo ka mid noqday xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana dhaawacyadooda oo lagu sheegay kuwa culus la filayaa in loo duuliyo magaalada Muqdisho.

Ahlu suna ayaa weerarro joogto ka bilowday magaalada Dhuusamareeb, laakiin weerarkii xalay ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa oo ciidamo intaas la eg ay ku leyso.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON