Ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku hanjabay inay weerar duqeyn ah ku qaadi doonaan dalalka Imaaraadka iyo israa’iil, haddii uu Mareykanka isku dayo inuu weerar kusoo qaado.
Sarkaal ka tirsan Taliska ciidamada Iiraan ayaa hadalkan jeediyey kadib markii ay Iiraan gantaallo ku weerartay laba saldhig oo Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq, iyadoo aan weli la shaacin qasaaraha weerarkaasi. waxaana digniinta Ilaalada kacaanka Iiraan lagu sheegay inay duqeyn doonaan magaalooyinka Haifa oo isra’iil ku taalla iyo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.
Iiraan ayaa ku hanjabtay haddii Mareykanka si toos ah u soo weerraro dalkeeda ay jawaabtu noqon doonto inay duqeyso magaalooyinka Israa’iil iyo dalka Imaaraadka Carabta ayna gaari doonan sawaariiqdooda.
Dhinaca kale farriin ay Iiraan u dirtay Golaha Amniga Q/Midoobay ayey ku sheegtay inaysan dagaal diyaar u ahayn balse weerarka ay qaaday ahayd xaq ay u lahayd inay is difaacdo sida uu qabo qodobka 51-aad ee xeerka Q/Midoobay.