Sunday, December 8, 2024

Iiraan oo Boqolaal Gantaal ku weerartay Magaalooyinka Israa’iil iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Ciidamada ilaalada kacaanka dalka Iiraan ayaa Caawa boqolaal Gantaalaha Balaastikada ah ku weeraray magaalooyinka Yuhuuddu, iyadoo sheegtay in loogu aargudayo Madixii siyasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah iyo hoggaamiyihii Xisbullaah Xasan Nasrallah.

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee Iiraan ku qaado Israa’iil ayaa loo adeegsaday in ka badan 250 Gantaalaha Balaastikada ee ugu heer sareeya ee ay heysato.

Weerarka Iiran ayaa yimid saacado kadib markii Taliska ciidamada Yuhuudda uu shaaciyay inay digniin uga timid Mareykanka oo sheegeysa inay Iiraan isu diyaarineyso weerar saacado gudahood ku wajahan Israa’iil.

Ad

Dadka Yuhuudda ayaa loogu baaqay inay dhammaantooda galaan Guryaha dhulka hoostiisa ah si ay u badbaadaan, waxaana magaalooyinka Israa’iil is qabsaday Gantaallo tobananaan ah oo is barbar socda.

Meelaha la beegsaday ee Iiraan duqeysay ayaa waxaa ka mida saldhigyo ciidan, xarumaha dowladda iyo degaano kala duwan, iyadoo aan weli la faahfaahin qasaaraha ay geysteen Gantaalaha Iiraan.

Saraakiisha Yuhuudda ayaa ku hanjabay inay jawaab ka bixin doonaan weerarka Iiraan, isla markaana ay Iiran ka shalaayi doonto weerarka ay kusoo qaaday.

- Advertisement -

Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa shaaciyay inuu weerarku ahaa mid loogu aargudayo falkii Yuhuudu ku dishay hoggaamiyihii Xisbullaah Xasan Nasrullaah iyo Madixii siyaasada ee ururka Xama-as Ismaaciil Haniya, waxayna ku hanjabtay jawaab kasta oo ka timaada Israa-’iil inay uga fal celin doonaan weerar weyn.

Madaxweynaha Mareykanka Joe ayaa amray in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ay Israa’-iil ka difaacaan Gantaalaha Iiraan, waxayna ciidamada Mareykanka sheegeen in si weyn u difaaceen Yuhuuda, kana hortegeen Sawaariiq badan oo ku socotay magaalooyinka Yuhuudda.

Dhinaca kale dalalka Carabta qaarkood ayaa ka qeyb qaatay difaaca Isra’iil, waxaana ka mida Jordan oo ay dulmarayaan Gantaallaha. Sidoo kale saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Baxreyn ayaa ka qeyb qaadanaya difaaca Yuhuudda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON