Friday, March 28, 2025

IGAD oo War kasoo saartay in Midowga Afrika dhexdhexaadiyo Saamileyda Siyaasadda Soomaliya

Urur Goboleedka IGAD ayaa taageeray Qorshaha Midowga Afrika ku doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo Saamileyda Siyaasadda Somaaliya, kadib khilaafkii ka dhashay Doorashada iyo muddo kororsiga.

War-saxaafadeed degdega oo maanta kasoo baxay IGAD ayaa lagu soo dhoweeyay Soo jeedinta in Midowga Afrika uu dib u soo nooleeyo wadahadalkii u dhaxeeyay Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya si loo xaliyo khilaafka ismari waaga siyaasadeed.

IGAD ayaa ku dhiiragelisay dhammaan daneenayaasha siyaasadda Soomaaliya inay fursad siiyan hindisahan cusub si loo galo wadahadal waxtar leh oo wax dhisaya ayna niyad wanaagsan la yimaadaan.

Ad

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Golaha Ammaanka Midowga Afrika ee Berri kulan gaara ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya oo ku jirta qalalaase siyaasadeed iyo mid Amni, taasoo ka dhalatay muddo kororsi uu ku dhaqaaqay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON