Friday, March 28, 2025

IGAD oo madaxda Soomaalida ka dalbatay inay ku laabtaan Heshiiskii Doorashada ee 17-ka Septembar

Urur Goboleedka IGAD waxay soo dhaweyneysaa hogaamiyaasha Soomaalida ee isku raacay in la diido waqtiga kororsiga Golaha fulinta iyo baarlamaanka.

Bayaan kasoo baxay IGAD ku celisay in lagu laabto wadahadalka wax dhisaya oo loo wada dhanyahay oo lagama maarmaan u ah dhammaystirka dhammaystirka arrimaha taagan ee ka harsan Doorashada..

IGAD waxay ugu baaqeyday dhammaan Saamileyda siyaasadda inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka qaab dhismeedka heshiiskii 17-kii Sebtember iyada oo loo marayo wadahadal loo dhan yahay oo hufan oo mudnaanta siinaya himilada shacabka Soomaaliyeed.

Ad

“IGAD waxay si aad ah ugu boorineysaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo horseedi kara sii kordhinta rabshadaha. Dhammaan dhinacyada waa inay hubiyaan ilaalinta nafta, hantida iyo hay’adaha rayidka ah” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay IGAD.

IGAD waxay ka codsatay beesha caalamka inay gargaar bini’aadanimo la soo gaaraan barakacayaasha ka dib rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON