Sunday, January 26, 2025

Hub ay Dowladda Iiran siisay kooxda Xuuthiyiinta Yeman oo ku danbeeyay gacanta Alshabaab (Daraasad)

Hub ay dowladda OIiraan u dirtay kooxda Xuuthiyiinta dalka Yeman ayaa lagu arkay Gobollo ka mida Koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’ada dabagalka Hubka qaabilsan oo xarunteedu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Qoryaha fudud nooca (56-1 assault rifle -nooc ka mida AK47) oo dalka Iiraan lagu sameeyo ayaa dowladda Iran ay siisaa xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen, waxaana qoryahaasi si qarsoodi ah loogu gudbiyaa Soomaaliya oo waxay ku danbeeyaan maleeshiyada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee la dagaalamaysa dowladda Federaalka.

Hay’addan ayaa sheegtay in daraasadd ay ka sameeyaan ayey ku helaan xog kusaabsan in badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agabyo laga helay 13 doomood oo ay qabteen maraakiibta badda Soomaaliya ku sugan.

Ad

Dalk Yeman ayaa muddo dheer ahaa halka ay Soomaaliya kasoo galaan hubka, waxayna cilmi-baaristan muujisay markii ugu horreysay baaxadda uu leeyahay hubka sharci-darrada ah ee Yemen ka gudba, kadibna gaara Soomaaliya.

“Hubka ka soo jeeda Iran iyo Yemen ka ganacsiga hubka ayaa loo sii dhoofiyaa Soomaaliya lafteeda,” ayaa lagu yiri daraasadda, oo la daabacay maanta. “Iran waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, cadaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda dawladda Iran.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON