Sunday, February 16, 2025

Howlgal ay ciidamada NISA ka fuliyeen Gobolka Banaadir oo si weyn loo cambaareeyay [Sawirro]

Siyaasiyiin iyo dadka adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn u canbaareeyay howlgal xalay ka dhacay degmada Hodon ee G/Banaadir oo ay fuliyeen ciidamda NISA.

Howlgalan oo saqdii dhex ay guryaha dadka ku qaadeen ciidamada NISA ayaa la arkayay iyadoo lagu soo ururiyey boqolaal dad ah oo u badan dhalinyaro oo guryahooda iyagoo hurda loogu galay, waxaana la isugu keenay barxad xaafadeed.

Dadka qaar ayaa arrintaasi ku tilmaamay xadgudub iyo wax laga xumaado in dad hurda la soo ururiyo oo la isku sawirro iyadoo habeen saq dhexe loo khudbeynayo, laguna tuntay xuquuqdoodii.

Ad

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in hab dhaqanka xalay dhacay ee ciidanka Nabadsugida kula kacayaan shacabka aanu ahayn mid caawinaya wadashaqayn dhexmarta bulshada iyo hay’adaha Nabadgelyadda. “Hadii aad dadkaada xurmad tirto ogow Alshabaab ayaad dad badan u xaraynaysaa, adigoon ogayna ayaad xoojinaysaa. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda dalka in ay sidan wax u dhamaan oo shacabkooda xurmeeyaan..” ayuuna ku yiri farriin uu baraha bulshada soo dhigay.

Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo sharci yaqaanada ayaa hore u cambaareeyay howlgallada dadka fara badan mar kaliya lagu soo ururiyo oo dowladihii Sheekh Shariif iyo qeybtii hore ee Xasan Sheekh ku dhaqmi jireen.

Image may contain: 3 people, people sitting and crowd

- Advertisement -

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 7 people, people standing

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON