Ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ayaa howlgal milateri ka bilaabay Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan degaanada hoos taga degmada Afgooye.
Howlgalkan ayuu sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin in Alshabaab looga saari doono degaanada Sh/Hoose, wuxuuna shaaciyay inuu howlgalka la bilowday Afgooye, Balcad iyo Jowhar, laguna sii jeedo Wanlaweyn.
Wararka ayaa sheegaya diyaaradaha Drone-ka Turkiga oo howlgalka qeyb ka ah ay duqeyn ku qaadeen degaanka Baghdaad ee hoostaga degmada Afgooye, halkaasoo qasaare culus uu ka dhacay.
Duqeynta ayaa timid, kadib dagaal ka dhacay degaanka Jambaluul, waxaana sida ay sheegeen dadka degaanka duqeynta ka dhacday degaanada Baqdaad iyo Alifow ay ku dhinteen 22 qot, 30 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood la geeyay Isbitaallada Muqdisho.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay in duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Turkiga lagu dilay 18 qofood oo shacab ah kadib markii ay beegsadeen tuulada Baghdaad.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad.