Friday, March 28, 2025

Howlgal lagu dilay maleeshiyo Hoobiyeyaal ku weerartay Dhusamareb iyo Taliye xigeen Qarax lala beegsaday

Saraakiisha Ciidamada Milateriga ee ka howlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay meydad iyo dhaawac xubno ka tiran Alshabaab, kadib howlgal ay ku qaadeen agagaarka magaalada oo xalay hoobiyeyaal lagu riday caasimadda Galmudug.

Howlgalka ayaa waxaa qaaday ciidamada milateria guutada 15aad ee qeybta 21-aad iyo ciidamada Gorgor, waxaana lagu dilay 3-xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasoo uu ku jiro horjoogihii u qaabilsanaa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir, iyadoo sidoo kale ay ciidamada soo bandhigeen dhaawaca nin kale iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen Maleeshiyaadkan.

Kooxdan ayaa la sheegay inay qaabilsanaayeen weerarrada lagu qaado Garoonka Diyaaradaha magaalada iyo magaalada Dhuusamareeb, inkastoo aanu Hubka lasoo bandhigay ku kirin madaafiicda Hoobiyeyaasha ee xalay lagu duqeeyay xaafado ka mida magaalada Dhuusamareeb.

Ad

Dhinaca kale Qarax ayaa isla maanta lala beegsaday Gaari uu la socday taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee xoogga dalka, isagoo ku socdaalayey agagaaska Garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa qaraxa waxyeelo kaso gaartay Gaariga Jeneraal Xuseen Xoosh oo ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen askartii la socotay Gaariga qaraxu haleelay.

Image
Image
Image may contain: outdoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON