Sunday, January 26, 2025

Howlgal ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha iyo Xubin Shabaab ah oo lagu qabtay.

Howlgal ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo qabtay xubin ka tirsan Alshabab, sida lagu sheegay war kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Warka ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen degaanka ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho lagu soo qabtay Xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ka tirsanaa amniyaatka Al-Shabaab ee qaabilsan dilalka khaarijinta ah.

Howlgal ayaan cidna wax ku noqon, waxaana socda baaritaan ay saraakiisha amniga ku  hayaan baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray, sida lagu shegay warka kasoo baxay Hay’adda NISA.

Ad

NISA ayaa si joogto ah u shaacisay xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay howlgallo, iyadoo aan la soo bandhigin maghacyadooada iyo muuqaaladooda, isla markaana aan la xaqiijin karin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON