Saturday, January 25, 2025

Howlgal Duqeyn iyo Weerar toos ah oo ka dhacay J/Hoose iyo Qasaaraha labada dhinac..

Taliska ciidamda dowladda ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ay howlgal ka fuliyeen degaanka Welmarow oo 40KM u jira magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyn iyo werar toos ah oo halkaasi ka dhacay ay qasaare xoog leh loogu geystay Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Hawlgalkan oo Waaberigii Saaka ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa lagu qaaday Goob ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo halkaasi looga dilay ku dhowaad 40 Maleeshiyo ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, sidoo kalena lagu burburiyey hub iyo gaadiid dagaal.

Ad

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in maleeshiyada Al-shabaab ka xoreeyay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose, tasoo 80 KM u jirta Caasimadda Jubbaland ee Bu’aale.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay in Weeraarka ka dhacay degaanka Weel-Maaroow ay ku dileen 3 askari, kuna dhaawaceen 6 kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON