Thursday, April 24, 2025

Howlgal burburin ah oo ka bilowday Xaafadda Dab-damiska Muqdisho iyo Ciidamo xiray…

Ciidamada dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa saaka howlgal burburin ah iyo banneyn ka wada xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho.

Ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka iyo Cagaf ayaa go’doomiyay xaafadan Dab-damiska, waxaana bilowday howlgalka burburinta saaka aroortii hore inta aan la gaarin salaadii subax.

Dadka xaafada deganaa ayaa la sheegay inay dibadda uga baxeen guryaha, iyadoo wararku sheegayaan in inta badan dadkii halkaasi deganaa ay dowladdu siisay dhul kale si ay uga guuraan, balse ay jiraan qoysas aan fursadaas helin.

Ad

Waxaa la arkayaa Dad badan oo xaafadda ka barakacaya, ciidamada ayaa xiray Isgoyska Banaadir ilaa aagga xaafadda Seybiyaano, iyadoo burburinta Guryaha xaafadaasi ay xowli ku socoto.

Xaafadan oo Booliska ay lahaayeen ayaa in muddo ah waxaa ka taagnaa muran xoog leh oo ku saabsan dadka dhistay sidii looga rari lahaa, waxaana taliska Booliska uu dadkaasi dhowr jeer siiyay digniino iyo muddo ay uga guuraan.

Arrinta dhulka Dab-damiska oo dowladda Federaalka ay sheegtay in laga dhisayo xarun qaabilsan gurmadka ayaa soo dhex galay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo ugu danbeyn Madaxweynaha Galmudug, iyadoo si hoose loo xaliyay dadkii ugu cuslaa ee hortaagnaa qorshaha dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON