Saturday, January 25, 2025

Howlgal Alshabaab looga sii daayey Gaadiid ay heysteen oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada dowladda ayaa howlgal ka sameeyay degaani ka mida Gobolka Shabeellada hoose, iyadoo lagu qabtay xubno ka mida Alshabaab, lana fasaxay Gaadiid la sheegay inay lacago Baad ah u heysteen Alshabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Wanlaweyn, waxaana la qeyb galay ciidamada ururrada 54-aad iyo 64-aad ee guutada 7-aad ee 12-ka April, waxayna ciidamada ka dul dhaceen Alshabaab ku sugnaa degaanka Waraaboole.

Waxaa howlgalka lagu fasaxay ila 20 Gaadiidka xamuulka ah oo Alshabaab ay ka doonayeen lacag dhan 300 Dollar, iyadoo la qabtay xubno lagu tuhunsan yahay Shabaabnimo, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo saaka shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka.

Ad

Alshabaab ayaa weli ka howlgala degaano ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka SH/Dhexe oo ku dhow Muqdisho, waxayna lacago ka qaataan Gaadiidka isaga kala goosha Caasimadda iyo Gobollada Koonfureed ee dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON