Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dagaal ka dhacay koonfurta magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Weerar ay ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorshaysan ku dilay ilaa 60 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab, kadib howlgal qorsheysan oo saaka ka dhacay degaanka Cali-Qaboobe oo 30 KM ka jira Koonfureed Xarardheere.
Howlgalka aya yimid, markii Alshabaab la sheegay inay Doon Hub u siday ku soo xiratay degaanka Ceel-qaboobe, iyagoo doonayey inay kala degaan saanadaasina uu yimid weerarka ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ka war heleen Gaari Khawaarijta u siday Hub iyo maleeshiyaad oo keenay shakiga abaabulka Alshabaab ka waday halkaasi.
Guddoomiyaha Xarardheere ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 60 ka mida Alshabaab, iyadoo gacanta lagu dhigay Hubkii ay wateen iyo labo gaari.
Ma jirto cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay qasaaraha howlgalkan ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere iyo qasaaraha gaaray dhinaca ciidamada dowladda.
