Saturday, January 25, 2025

Howgalkii Ciidamadii Midowga Afrika ee (AMISOM) oo bishan ku eg iyo Howlgalka cusub

Hawlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa lagu dhawaaqay inuu ku egyahay 31-ka Bishan Maarso 2022, kadib muddo ka badan 15 sano oo ay ku sugnaayeen Soomaaliya laga bilaabo 2007.

Hawlgalkii AMISOM ayaa lagu beddeli doona magaca cusub ee ah ‘ATMIS’ kaasoo u taagan ‘Howlgalka Xilliga Kala-Guurka ah ee Soomaaliya’ kaasoo shaqeyn doono muddo 33 bilood, lagana yaabo inuu ka bato.

ATMIS ayaa waxa la qorsheeyay inuu si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loogu wareejiyo Amniga, ayna ku dhaqaaqi doonaan howlgallo lagu beegsanayo Alshabaab.

Ad

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaareen qaabka hawlgalka cusub ee ATMIS oo xilka kala wareegi doona howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.

ATMIS ayaa waxaa dhowaan ansixiyey Qaramada Midoobay. waxaa magaca cusub la qaadanaya isla ciidamadii AMISOM ee haatan hawlgala Soomaaliya, laakiin waxaa loo u furay inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON