Ciidama adegaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar dhabo-gal ah ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo ka howlgala Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Sida lagu shaaciyay warka kasoo baxay ciidamada dowladda Soomaaliya Ciidamadada Milataeriga iyo kuwa degaanka reer Xararadheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Weerarka oo ka dhacay degaanka Dumaaye ee duleedka Xarardheere ayaa lagu dilay Horjooge Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) iyo horjooge kale oo Ajinabi ah, iyadoo laga furtay agabkii ay wateen.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa qiratay weerarka ka dhacay degaanka Bacaadka Faarax Aadan ee duleedka degmada Xarardheere, waxayna sheegeen inay iska caabiyeen weerarkaasi.