Ciidamada Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qabtay Nin la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab oo si dhuumaaleysi ah uga dhoofayey Garoonka magaalada Baydhaba.
Ninkan oo kasoo jeeda magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu markii hore Muqdisho isagoo jooga oo Macallin Qur’aan ka ah Onlin-ka uu la soo xiriiray nin Alshabaab ah oo ay qaraabo yihiin, lana geeyay Magaalada Jilib, sidaasina uu Alshabaab ugu biiray.
Ninkan oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay inuu ka mid ahaa 200 rag ah oo tababar ku qaatay Jilib, kuna biireen ciidamo Jabhado ah oo Alshabaab kasoo ururisay Jubbooyinka, lana siiyey Tuute, tababarkaasina loogu soo xiray, ayna u yimaadeen Mahad Karate iyo Cali Dheere.
Ninkan oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in la geeyay degaano ka tirsan Gobolka Bay, iyadoo Alshabaab ay tikid u jareen una direen howgal, balse ay qabteen ciidamada K/Galbeed, isagoo ka dhoofaya Garoonka magaalada Baydhaba.
Wuxuu maamulka K/Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ka codsaday in la cafiyo, isagoo qirtay inuu khaldamay, balse Laamaha Amiga dowladda ayaa baaris ku bilaabay Ninkan.