Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada waaweyn ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Caddow Macalin Isxaaq, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaana Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka, isagoo Alshabaab ugu qaabilsanaa gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo deegaano kamid ah gobolada dhexe ee dalka, waxaana uu Al-shabaab ugu xilsaarnaa sameynta walxaha qarxa oo ay u adeegsadaan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.
Caddow Macalin Isxaaq ayaa sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo ka barbar dagaalamaysey Al-shabaab si gaar ah ay u taabatay weerarkii 14-October ee Isgoyska Zoobe, taasina ay keentay in dhalinyaro badan ay go’aansadaan in ay isaga soo baxaan Maleeshiyaadkaasi.
“Waxaan marqaati kasoo noqday in ay been abuur tahay in Al-shabaab ay diin u dagaalamayaan, si arxan daro ah ayey u laayaan dadka Soomaaliyeed, taas ayaana garanay aniga iyo dhalinyaro kale oo hadda isku dayaya iney isaga soo tagaan”ayuu yiri Caddow Macalin Isxaaq.