Taliska ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiya ayaa shaaciyey horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgalka ka socda Gobolka Sh/Dhexe.
Weerarka lagu dilay horjoogaha ayaa ka dhacay degaanka Galka Xarareey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana horjoogahan magaciisa lagu sheegay Macalin Yuusuf oo ahaa Horjoogihii Maleeshiyaadka Degaanada u dhaxeeya Jowhar iyo Raage Ceelle.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka Sh/Dhexe lagu dilay 37 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, lagu dhaawacay 20-kale; sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab.
Taliyaha Xoogga Jeneraal Oddowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada ah ay sii wadayaan, inta ay ka sifaynayaan Deegaannada ay Gobolka Sh/Dhexe.
