Horjooge ka tirsan Alshabaab ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda, waxaana lagu soo bandhigay degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Cambeer ayaa Alshabaab u qaabilsanaa abaabulka kooxda jugta culus ee weerarrada culus qaada ayaa ee ka dagaalanta Gobolka J/hoose, iyadoo wadahadal hoose la furay saraakiisha ciidamada dowladda oo suurageliyey inuu is dhiibo.
Abaanduulaha guutadda 11-aad G/Sare Ismaciil Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in ninkani uu ahaa horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab ah, wuxuuna intaas ku daray in isa soo dhiibistiisa ay markii uu dagaal dhex maray koox ka tirsan Alshabaab.