Horjoogayaal muhiim ah oo Alshabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa la ogaaday inay dhinteen siyaabo kala duwan.
Sida Warbaahinta dowladda kasoo xigtay Hay’adda Sirdoonka NISA waxay xubnahan ku dhinteen markii ay ku qarxeen Miinooyin ay wadeen, halka qaar kale ay ku dhinteen weerarkii Bariirre ka dhacay horraantii toddobaadkan.
Xubnaha la sheegay inay dhinteen waxaa ka mida: Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq)Â oo Al-Shabaab u qaabilsanaa howl-galada Qaraxyada Miinooyinka ee Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose iyo Muuse Kooble oo isna u qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir oo ku-xigeen u ahaa iyo lix kale.
Waxaa la sheegay inay intooda badan ku dhinteen markii ay ku qarxeen Miinooyin ay ka soo qaadeen degaanka Tooratooroow 28 Marso 2021, xilli ay ku sugnaayeen degaanka Basro ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamuud Daariq, waxaa lagu dilay dagaalkii Degaanka Bariire ee gobolka Shabeella Hoose ka dhacay 3-da April 2021.
Horjoogayaashan ayaa muhiim u ahaa oo ku xeel dheeraayeen Qaraxyada Miinooyinka, iyagoo Qaraxyo badan ka fuliyey caasimadda Muqdisho.
Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay geerida xubnahan gaaraya 8, kana tirsanaa qeybta qaraxyada ee Alshabaab u qaabilsan Muqdisho.
