Ciidanka Xoogga dalka ee la wareegay degaanka Jannaale ee Gobolka SH/Hoose ayaa sheegay inay howlgal ku soo qabteen horjoogihii Canshuuraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee Shabeelada hoose.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamuud Yuusuf Mansuur ahaanna Madixii Canshuuraha ee Alshabaab ayaa gacanta lagu soo dhigay iyo 7 maleeshiyo oo la socota, iyadoo baaritaan uu ku socdo, kadib howlgallada laga sameeyay degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa, waxaana howgalkasi fuliyey Ciidamadda Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka.
Sida uu Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Jen. C/xamiid Maxamed Dirir u sheegay Idaacadda Ciidamadda baaritaana ciidamada ka wadaan duleedka Jannaale ayaa suuragaliyay in gacanta lagu soo dhigo horjooge Maxamed Yuusuf Mansuur oo ahaa madaxii lacagaha canshuuraha ah ee gobolka Shabelaha hoose ka qaadi jireen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa shaacisay shan duqeyn cirka ah oo ciidamada Mareykanka ah ku qaadeen agagaarka Jannaale oo lagu bar tilmaameedsaday maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo halkaasi isku urursaneysay, iyadoo lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab.