Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA ayaa jawaab kulul u dirtay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan.
Hooyo Qaali ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eeda uu Fahad Yaasiin kala dul dhacay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mahad Salaad iyo C/raxmaan Al-cadaalla, waxayna si cad u sheegtay in ganadheeda ay ku maqan tahay Fahad yaasiin indihiisana ay ka muuqato.
“Markii 18 Berri marka ay naga maqan tahay ayaan xafiiskiisa ugu tagny Fahad Yaasiin, waxaa ila socday waxgarad iyo odayaal, wuxuuna noo sheegay inay Alshabaab ku maqan tahay.. Laba berri i siiya, kadibna dib noolama soo xiriirin, si kastoon u radino, telefoonkiina waa naga qaban waayey..” ayey tiri Hooyo Qaali Guhaad.
Waxay kaloo sheegtay in Hal sano ay maqan tahay Ikraan Tahliil, ayna ceeb ku tahay inuu dad kale ku eedeeyo. “Markii Mahad Salad Hay’adii laga qaaday loo dhiibay miyuu leeyahay isagaa dilay..? Falaari gilgilasho kaagama harto.. Gabadheydii Wejigaada ayey ku qoramn tahay.. Qiyaamana waa kula tegeysaa..” ayey tiri Hooyo Qaali Guhaad.
Hooyo Qaali ayaa madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbatay inuu raadiyo codaaladda Ikraan, dibna loo furo kiiskan iyo dacwadda la xiriirta oo la baaro.